10 reasons to vote KrF in Somali

10 sababood si loogu coddeeyo
Christian Democrats

The Christian Democrats – si wada jir ah sharafta aadamaha

  1. Qiyamka raaga
    Christian Democrats waxa uu doonayaa inuu ilaaliyo qiyamka Norway oo ku salaysan, maadaama
    kuwan aan la dhayalsan karin. Haddii aanu ognahay asalkeena, waxaanu sidoo kale aad
    ugu kalsoonahay inaanu la kullano dad cusub iyo dhaqamo. Sharafta aadamaha, deeqda iyo
    kormeerida waa qiyamka lagu dhiso mustaqbalka.
  2. Wakhtiga iyo xoriyada doorashada ee qoysaska
    Xisbiga Christian Democrats iyo jawaabtiisa qoysaska leh carruurta yaryar waa daacad ah
    wakhti badan iyo doorashada xoriyad badan. Xalal dhowr ah oo caadiga laga dhigay. Qoysaska
    awoodooda waa in la xoojiyaa — maaha in la maareeyo. Xisbiga Christian Democrats waxay
    doonayaan inay qoysaska siiyaan xoriyada doorashada, markaas qof kastaa waxa uu dooran karaa
    xalalka ku habboon iyaga iyo qoysaska.
    3.Bulshadda dadka waayeelka dhegaysata
    Waa inay ahaataa mid raaxo leh oo badbaado ah in la gaboobo gudaha Norway. Xisbiga Christian
    Democrats waxa uu rumaysan tahay inay tahay wakhtiga kuwan daryeela waayeelkooda la
    qiimaynayo. Sababtaad awgeed, Christian Democrats waxay doonayaan inay taageero badan
    siiyaan qaraabada. Kordhinta meelaga guryaha daryeelka waa inay sii socdaan, iyo adeegyada
    daryeelka gurigu waa in la xoojiyaa.
  3. Sharafta aadamaha dhammaan wejiyada nolosha
    Dhammaan dadku waa isku wada qiimo. Waxaanu u dagaalamaynaa sharafta dhammaan wejiyada
    nolosha. Qofna gaar loo saari maayo! Xisbiga Christian Democrats waxa uu la doonayaa taageero
    aad u wanaagsan carruurta qabta baahiyaha gaarka ah. Si xoogan waxaan uga soo horjeednaa
    dilka dadka jirada darran qab iyo daciifinta ilaalinta sharciga ah ee ilmaha aan weli dhalin. Garaac
    kasta oo wadnaha ah waxa uu la qiimo yahay in loo dagaalamo
  4. warshada iyo abuurida shaqada
    Maanta dad badan waxay dibada ka joogaan nolosha shaqada. Xisbiga Christian Democrats
    waxauu u shaqayn doonaa si uu ugu daro wax badan. Qoysaskayha, safmarka waxa uu ku
    sifasymay shaqo la’aan iyo shaqaale dhimis. Waa inaan dadka dib shaqada ugu soo celinaa.
  5. Barbar istaaga kuwan aadka u baahan
    Xisbiga Christian Democrats waxa uu barbar istaagayaa kuwan aadka u awooda darran gudaha
    bulshadda. Waxaanu taageeri doonaa door ka ciyaarayaasha aan macaash doonka ahayn iyo
    mutadawiciinta daryeelka isticmaalka maandooriyaha iyo carruurta iyo shaqada dhalin yarada.
    Waxaa jirta ahmiyada ka hortagga iyo caawinta dadka ku jira xaaladaha nugul.
  6. Ka wareegida wanaagsan ee dugsiga barbaarinta ilaa dugsiga
    Bilowga fiican ee dugsiga waxa uu dhisaa seeska sanado badan oo muhiim u ah nolosha ilmaha.
    Xisbiga Christian Democrats waxa uu doonayaa tiro badan oo dadka waa wayn oo lagu tiirsan
    yahay gudaha dugsiyada iyo dugsigayada barbaarinta. Waxaanu doonaynaa inaanu beddelno
    sanadka koowaad ee dugsiga fasalka barbaarinta halka ciyaarta, amniga iyo xidhiidhada ciyaartu
    yihiin qayb muhiim ah.
  7. Bulshooyinka maxaliga ah ee firfircoon
    Xisbiga Christian Democrats waxay doonayaan inay isticmaalaan wadanka oo dhan! Waxaanu
    doonaynaa beeraha laga faa’iidaysan karo oo keenta wax soo saarka cuntadda oo la kordhiyay,
    dhakhliga wanaagsan ee beeraha. Tani waxay bixin doontaa shaqo wadanka oo dhan. Xisbiga
    Christian Democrats waxay doonayaan jidad badbaado leh iyo shabakada khadka tareenka oo aad
    u horumarsan. Waxaanu doonaynaa xalal ka wanaagsan oo gaadiidka dad waynaha ah iyo gelida
    internatka wadanka oo dhan.
  8. Mida gaalan oo masuuliyad lehsiyaasada cimilada
    Xisbiga Christian Democrats waxya doonayaan inay ilaaliyaan dhulka jiilasha soo socda. Dhibta
    cimilada waa dhibta ugu horaysa ee hormoodka ah adduunka faqiirka ah. Dadka waxaa lagu
    khasbay inay baxsadaan, oo waxaan na saaran masuuliyada aan ku caawino. Waa inaan ku
    tabarucnaa joojinta isbeddelka cimilada anagoo yarynayna caarboodka hawada u baxa oo
    samaynayna ka qayb qaadasho firfircoon oo caalami ah.
  9. Deeqdu ma taqaano xadad
    Waa inaynaan weligeen inagu isku koobnaan! Waxaa ina saaran masuuliyada lagu caawimayo
    dadka adduunka faqiirka ah iyo kuwa la cadaadiyay. Xisbiga Christian Democrats waxay doonayaan
    inay joogteeyaan heer sare oo kaalmo iyo maaliyada horumarinta ah, sababtoo ah taas ayaa
    faraqa samaysa!